XOG-WARAN: Madaxweyne Gaas Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabanaya Boosaaso

Filed under: Somalia,Wararka Maanta,Xulka Puntland |

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu noqonaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gaas iyo Wafdigiisa ayaa kaso duuli doona magaalada Kismaayo ee Jubbaland, halkaas oo uu uga qayb galay shirka maamul goboleedada, waxaana loo doortay hogaanka maamul goboleedada.

Magaalada Boosaaso ayaa laga dareemayaa qabanqaabada lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Gaas, waxaana socdaalkiisu uu kuso beegmayaa xilli maanta si rasmi ah Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo shirkadda DP WORLD.

Shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, ayaa maamul goboleedadu ay kaso saareen Warmurtiyeed isugu jiray dhaliil iyo cabasho, ku aadan dawlada Federaalka Soomaaliya, waxaana arrintaas ka jawaabay Madaxda ugu saraysa Soomaaliya.

La Soco Wararka Safarka Gaas Ku Saabsan iyo Munaasabada Dekeda.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *