Dhagayso: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Mucaaradka Dawlada Ku Sifeeyay Inay Shabaab La Mid Yihiin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa sheegay in dawlad diidka iyo Shabaab ay isku mid yihiin, sidaa darteedna loo baahan yahay innaan dhexdhexaad laga noqon.

Xassan Cali Khayre ayaa sheegay innaan sido kale dhexdhexaad laga noqon karin dhibaatada Kooxda Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay inay guryahooda kaso baxaan shacabka Soomaaliyeed, si loso celiyo sharaftii iyo karaamadii uu dalka Soomaaliya lahaan jiray.

Xassan Cali Khayre, ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay wado dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab, sidaa darteedna shacabka looga baahan yahay inay doorkooda muujiyaan.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu la hadlayay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u balan qaaday inay doonayso inay qaado dagaal ka dhan ah Shabaab, kaasi oo ay qorshiisa wado.

Dagaalka ayaa dawladu ay go’aansatay wixii ka dambeeyay qarixii dadka badan lagu xasuuqay ee ka dhacay isgoyska ZOOBE ee magaalada Muqdisho.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: