DAAWO: Muuqaalka Gaarigii Ku Qarxay Isgoyska ZOOBE Oo Laso Bandhigay

Bil ka dib ayaa dawlada Soomaaliya ay soo bandhigtay gaarigii isku qarxiyay Isgoyska ZOOBE ee magaalada Muqdisho, waxaana qaruxu uu ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Waxa Kaamiradu ay qabatay gaariga qaraxa fuliyay oo ahaa gaari aad u wayn oo isku dayaya inuu Wadada baynaysto oo maro, iyadoo gawaari badan ay taagan yihiin.

Waxaa la arkayaa gawaari aad oo taagan Wadada, iyadoo ay Jaam tahay, halka gaariga wayna uu gadaal kaso socdo.

Gawaarida Wadada taagan ayaa waxaa ka mid ahaa Gawaari basas ah oo waday Arday Soomaaliyeed, kuwaas oo iyana meesha ku le’day.

Muuqaalkan ayaa waxaa qabtay Kaamirada CCTV ee ku xiran Wadada, waxaana laso bandhigay ka dib muddo bil ah, iyadoo laga sii daayay Warbaahinta dawlada.

Waxaa Muuqaalkan uu ahaa Muuqaal ka kooban Ilbiriqsiyo, kaasi oo Kaamiradu ay qabatay ka hor inta uusan qaruxu dhicin.

Qarixii ka dhacay Isgoyska ZOOBE ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 300, halka dad intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Hoos Ka Daawo Sawirada:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: