Maxaan Ka Naqaan Shirkadda DP WORLD Ee Maanta La Wareegaysa Dekeda Boosaaso?

Shirkadan waxaa horay looga lahaan jiray wadanka UK, hasa yeeshe waxaa iibsaday shirkadda DP WORLD ee wadanka Imaaraatka Carabta, waxaa shirkadan ay si toos ah u hoostagtaa Amiirka Dubai Sheikh Mohamed Rashid Al Makhtuum.

Shirkadan ayaa maamusha 77 Dekedood oo ku yaala 44 wadan oo ku yaala Caalamka, waxaana Dekedaha ay maamusho ee ku yaala dalalka Afrika ka mid ah Senegal, Masar, Mozambique, Aljeeriya iyo Djibouti.

Shirkadan ayaa takhasuskeedu uu yahay dhinaca dekada Containerada iyo Kaydka. General Cargo, Container Terminals & Inland Container Depots.

Shirkadan ayaa isku dayday inay la wareegto Sagaal Dekedood oo ku yaala dalka Maraykanka oo ay horay u maamul jireen sanadkii 2006, balse waxaa ka horyimi Baarlamaanka dalka Maraykanka, waxaana Dekedaha ay doonaysay inay maamusho waqtigaa ku jiray kuwa New York & New Jersey, Philadelphia, Baltimore, New Orleans, iyo Dekadda Miami, waxaana ay ku wareejisay Dekedahaa shirkad kale.

Jabuuti waxy kula jirtaa heshiis 50 sano ay ku maamulayso dekadda Doraleh Container Terminal, balse Jabuuti oo heshiiskaa ka hortimi laba jeer oo dacwad ay wada galeen waxaa ku gulaystay shirkadda DP WORLD.

Sanadihii ugu dambeeyay waxay muhiimad gaar ah ay siisay Dekedaha ku yaala Qaaradda Afrika oo shirkadda muhiimad gaar ah u lahaa.

Dekeda magaalada Boosaaso ayaa noqonaysa Dekeda sagaalad ee ay maamusho oo ku taala Qaaradda Afrika, waxaana ay ku bixinaysaa Mashruuca lagu dhisayo Dekeda dhaqaale dhan ($336,000,000) Saddex Boqol Soddon iyo Lix Milyan Oo Doolar.

Si kastaba ha ahate, Shirkadda DP WORLD ayaa maanta si rasmi ah ula wareeegaysa Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

www.puntland24.net

 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: