Sawiro: Kooxda Shabaab Oo Soo Bandhigay Ninkii Isku Qarxiyay Saldhiga Ciidanka Jubbaland Ee Buulo gaduud

Kooxda Al-Shabaab, ayaa soo bandhigay Sawirka iyo Qabiilkiisa ninkii isku qarxiyay saldhigga Ciidamada Jubbaland ay ku lahaayen deegaanka Buulo gaduud ee gobolka Jubada hoose.

Ninkaan oo lagu soo bandhigay Warbaahinta Afka Shabaab ku hadasha, ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdo Casiis Cabdullaahi, waxaana ay sheegen inuu kaso jeedo Qabiilka EELAY.

Waxaa la arkayay sawirka isaga oo Wada gaariga uu isku qarxiyay iyo isaga oo wata qori, gashana dhar tuute ah oo bannaan taagan, isla markaana dhoola-cadaynaya.

Sido kale Kooxda Shabaab ayaa guul ka sheegtay dagaalka ka dhacay Buulo Gaduud, waxaana ay soo bandhigen Hub iyo Gaadiid ay sheegen inay qabsadeen.

Dhowaan ayay ahayd markii Jubbaland ay ku dhawaaqday inay Shabaab ku qaadayso dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab, isla markaana ay doonayso inay kula wareegto dhulka Jubbaland ee Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Jubbaland ayaa dagaal adag kula jirta Kooxda Shabaab, inkasta oo dagaal toos ah uusan dhexmarin inta badan, hadana waxaa dhaca mararka qaar Weeraro goos goos ah oo dhexmara.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli dawlada Soomaaliya ay qorshaynayso dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: