Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho, Yaa Lala Beegsaday

Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Amisom ayaa lagu Weeraray duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa lagu Weeraray Kolonyada Amisom, kuwaas oo uso socday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Waxaa gaariga qaraxa lagu dhuftay mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Amisom, waxaana gaariga qaraxa fuliyay uu muddo ku sugnaa nawaaxiga uu qaruxu ka dhacay sida dadka deegaanku ay xaqiijiyeen.

Lama yaqaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hasa yeeshe Warar horu-dhac ah oo Puntland24 uu helayo, ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro ka dhashay Weerarka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka, waxayna sheegen inay beegsadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay saarnaayeen Ciidanka Amisom iyo Ciidamo Maraykan ah.

Illaa iyo hadda ma jirto wax War ah oo kaso baxay Hogaanka Ciidamada Amisom ee ku saabsan qaraxa lala beegsaday.

Si kastaba ha ahate, Kooxda Shabaab ayaa u muuqanaya kuwo kor u qaaday Weerarkooda, xilli dawlada Soomaaliya ay balan qaaday inay qaadayso Weerar ka dhan ah.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: