DAAWO: Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland Oo Ka Hadlay Sida Ay Wax U Socdaan

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland ayaa maanta oo Salaasa ah shir Saxafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland.

Waxaa Guddigu ay sheegen in 21-kii degmo ay ka dhaceen Doorashadu, isla markaana ay bilaaben tirinta codadka degmooyinka, marka laga tago magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Guddiga ayaa sheegay in sido kale ay soo gareen Warqado Cabasho ah, kuwaas oo ay sheegen inay dib u fiirinayaan, ayna xalinayaan cabashadda.

Marka degmo kasta ay dhameeyaan ayay sheegen inay u sheegayaan bulshada, waxayna dadweynaha ka codsadeen inay la jaanqaadaan oo ay ka horboodin.

Waxay intaas ku dareen inay soo gaareen Warar baraha bulshada soo galay, waxayna codsadeen inaysan ku deg degin, waana sababta keentay ayay yiraahdeen inay hakad galino Internetka.

Guddiga ayaa sheegay inay diidan yihiin inay Soomaaliland ka dhacdo midii ka dhacday wadanka Kenya, waxayna sheegen inaysan sax ahayn Wararka la qoray, aysana dan ugu jirin bulshada.

Ugu dambayntii waxay sheegen in afar maalmood ka dib ay ku dhawaaqi doonaan natiijada, isla markaana ay cabashadu dib u dhigi karto waqtiga ay doonayaan inay ku dhawaaqan natiijada.

Hoos Ka Daawo Shirka Ja’aaid:

 

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: