WARBIXIN+DHAGAYSO: Maxaa Kaso Kordhay Mooshinka Ka Dhan Ah Shariif Xassan?

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa isku khilaafay Mooshinka ka dhan ah Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Waxaa Xildhibaanada khilaafkoodu uu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana Xildhibaanadu ay magaalada Baydhabo ku qabteen shirar iska soo horjeeda.

Xildhibaanada ka noqday Mooshinka, ayaa sheegay inay marka ay xaalada fiiriyeen ay ka noqdeen Mooshinka, xilli bay yiraahdeen uu dalku galayo dagaal ka dhan ah Shabaab.

Xildhibaan Cali Cismaan oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka keenay, ayaa sheegay in laga jartay dhaqaalihii Gunada ahaa ee ay siin jirtay dawlada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in Shariif Xassan uu dhaqaalaha dawlada Soomaaliya ay siiso Xildhibaanada uu ku kala qaybinayo Xildhibaanada.

Waxaa Xildhibaanada qaarkood ay sheegen in lacagaha inta loso diray dib looga celiyay, ka dib markii ay diideen inay Mooshinka ka noqdaan.

Xildhibaano ka tirsan dawlada Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay ku xaliyaan Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo.

Si kastaba ha ahate, Siyaasiyiin badan oo kaso jeeda Koonfur Galbeed ayaa dadaal ugu jira sidii loo badali lahaa Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: