DHAGAYSO: Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqeyn Ku Dileen 40 Xubnood Oo Ka Tirsan Shabaab Iyo Daacish

Dawlada Maraykanka, ayaa sheegtay inay dileen 40 ka mid ah Kooxaha Shabaab iyo Daacish, ka dib markii ay duliyeen duqaymo is xigxigay oo dhacay 9-kii illaa 12-kii bisha.

Weerarkii ay ka fuliyeen Buuraha nawaaxiga Qandala ayay ku dileen 12 ka mid ah Kooxda Daacish, halka inta kalena ay yihiin Shabaab oo ay ku dileen Koonfurta Soomaaliya.

Weerarkii ay Shabaab ku qaadeen Gawaari Kolonyo ah oo ay saarnaayen Ciidamo Maraykan ah iyo Amisom, ayaa Maraykanku uu sheegay inuu ku laayay Xubno badan oo Shabaab ah, waxaa Weerarku uu ka dhacay deeganka Gaduud oo 250-KM u jirta Muqdisho.

Waxaa Soomaaliya ka jooga Dawlada Maraykanka 500 oo Askari oo isugu jira la taliyaal iyo tababarayaal.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Xildhibaan, ayaa sheegay in duqeyntii Maraykanka ay ku burburiyeen goobihii laga soo abaabuli jiray qaraxyada ay fuliyaan Kooxda Shabaab.

Cabdi Casiis Xildhibaan, ayaa sheegay in sido kale la qarxiyay shan gaari oo ay saarnaayeen Kooxda Shabaab, kuwaas Gurmad ahaan u socday.

Duqeyntii ka dhacday Daarasalaam, ayaa waxaa ku dhintay dad beeralay ah sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka Baraawe Cabdi Fataax Xaaji Cabdulle.

Hoos Ka Dhagayso Warbixinta:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: