Wasiirka Maaliyadda Puntland Oo Ka Qayb Galay Bandhig Lagu Gubay Lacag Faalso Ah+Sawiro

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ka qayb galay Bandhig lagu gubayay lacag Faliso ah, taasi oo horay ay u qabteen ciidanka Puntland.

Lacagtan oo ku jirtay Bangiga dawlada Puntland ee Boosaaso ayaa ugu dambayn la gubay, waxaana lacagta la gubay ay gaaraysay Lix boqol oo Milyan oo Shilin.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe Dhaqaaje ayaa si habsami leh u gudanaya waajibaadkiisa shaqo, waxaana dhowaan loo magacaabay xilka Wasaaradan.

Inkasta oo Puntland ay gubtay lacag Faalso ah, hadana dhinaca kale waxay dawladu leedahay Warshad samaysa lacagta, taasi oo ku taala magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland oo dhowr jeer la waydiiyay Warshada lacagta ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxaana lacagteeda uu ku tilmaamay lacagta rasmiga ah ee Puntland ka shaqaysa.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: