Bandhigga Sawirada: Daawo Sawirada Garoonka Diyaaradaha Garowe Oo Gabagabo Maraya

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa meel wannaagsan maraya, kaasi oo noqonaya garoonka 2-aad ee Caalami ah oo Puntland ay yeelanayso.

Shirkadda dhisaysa garoonka ayaa heer gabagabo ah marinaysa Wadada ay Diyaaradu ku orodo, waxaana la filayaa in bilaha soo socda laso afmeero.

Puntland24 ayaa ogaaday in Mashruucan uu ka mid ah Mashaariicda waawayn ee ka socda gobolada Puntland, waxaana Garowe oo ah Caasimada Puntland la filayaa inay hesho garoonka ay istaahisho.

Garoonka ayaa dhaqalaha ku baxay qayb ka mid ah waxaa bixisay dawlada Kuwait, halka qaybta kalena ay bixisay Puntland oo ka bixisay dhaqaale ay ka heshay Imaataarka Carabta.

Wasiiradda Warfaafinta iyo Waxbarashadda iyo Qurba-joog, ayaa maanta Kormeer ku tagay garoonka, waxayna la dhaceen sida ay shaqadu u socoto.

Waxay Wafdigu Indha-indheeyen hannaanka shaqo ee Garoonka, waxayna amaan iyo boggaadin u jeediyen hawlwadeenada shaqada wada.

Puntland ayaa aaminsan markasta oo hormar ay sameeyaan Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland in Puntland ay isbadal la taaban karo ku talaabsanayso.

Hoos Ka Daawo Sawirada:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: