SAWIRO+DHAGAYSO: Mas’uul Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Sheegay In Maraykanku Ay Shacab Ku Laayeen Duqeyntii Daara-Salaam

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Cabdi Fataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheeegay in Maraykanku uu duqeyntii Daara Salaam uu ku dilay dad rayid ah oo caan ah, waxaana la duqeeyay xilli ay nasasho ku jireen.

”Waa dad rayid ah oo la yaqaano, habeenkii iyaga oo beerta Waraabsaday oo jiifa la duqeeyay, Daara-salaam dadka ku dhintay dad la yaqaan oo ina hebel loo yaqaan oo Nabadoonada iyo Xidhibaanadu ay yaqaaniin weeye” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada baraawe.

Laakiin Afhayeenka Wasaaradda amniga Cabdi Casiis Xildhibaan, ayaa beeniyay Warka uu sheegay Mas’uulka ka tirsan dawlada Soomaaliya.

Cabdi Casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Mas’uulka ka tirsan dawlada ee faafiyay Warkaas uu isagu ka jawaabi doono, waxaana hadalkaas uu u muuqanayay hanjabaad.

Dawladas Maraykanku waxay sheegtay in duqeynta ay ku dishay Koox ka tirsan Shabaab, mana sheegin dad shacab ah oo ku dhintay.

Duqeynaha ay geystaan diyaaradaha Maraykanka iyo dalalka kale ayaa inta badan waxaa waxyeelo ay kaso gaartaa dadka rayidka ah.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso beegamaya xilli dawlada Maraykanku ay kor u qaaday duqaymaha ay ka fulinayso Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirada, Kana Dhagayso Warbixinta:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: