Daawo: Safiiro Caalami Ah Oo Guriga Cirro Booqday Iyo Wadani Oo Cabasho Muujiyay

Wafdi ka socda beesha Caalamka ayaa booqday guriga Musharax Cabdi Raxmaan Ciro oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta ka socday beesha Caalamka, ayaa kulan la qaatay Musharax Cirro, waxaana ay isdhaafsadeen Xog ku saabsan hannaanka ay Doorashadu u socoto.

Waxaa Xisbiga Wadani ay u gudbiyeen Beesha Caalamka in laga xiray Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbigooda, lana gaarsiiyay dhaawac.

Sanaadiiqda, ayay sheegen in laga reebay qaar ka mid ah dadkii Wakiilka u ahaa Xisbiga, isla markaana la handaday dadkii Wakiilka u ahaa Wadanim sida gobolka Gibilay.

Wadani, ayaa sheegay in la jabiyay Xeerka, waxayna xuseen inay soo saarayaan Warsaxaafadeed ay uga hadlayaan Cabashooyin ay ka mid tahay inaysan goob joog ka ahayn degmooyinka qaar markii Codadka la tirinayay.

Waxay intaas ku dareen in dad aan munaasib ahayn inay ku jireen Xarumo qaar, kuwaas oo dawladu ay Xabsiga dhigtay.

Cabashadda Xisbiga Wadani ayaa yimi xilli tirinta Codadka Doorashadda ay socoto, isla markaana ay natiijo wannaagsan soo baxayso.

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: