DHAGAYSO: Puntland Oo Sheegtay In 30 Ka Mid Ah Daacish Lagu Dilay Duqeyntii Bari

Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dawlad, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay wadaan hawlgalo ka dhan ah Daacish iyo Shabaab, xilli dawlada Maraykanku ay duqayno u geysteen Daacish.

Wuxuu sheegay in 30 ka mid ah Kooxda Daacish ay ku dhinteen hawlgalka, isla markaana ay wadaan baarista Xogta dhimashadooda oo faahfaahsan.

Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaan hawlgalka inta buu yiri laga soo afjarayo Kooxda Daacish.

“Annagu sidaan hadda  xaqiiqada ku haynno, waxaa weeye soddomeeyo ilaa afartameeyo,meelahaas baa ka dhintay baa la yiri oo asker ah,laakiin marka ay wax dhacaan muddo ayey qaadanaysaa in wixii saxa la helo, Waxaan kuu xaqiijinayaa in duqeyntaasi jirtay,islamarkaana ay ku dhinteen qaar kamid ah argagixisada. Ilaa 15 dhiigyo-cabbe ayaa halkaas lagu khaaajiyey,sida aan xogta ku helnay“ Ayuu yiri Wasiirku.

Hadalka Wasiirka ayaa kuso beegmaya xilli ciidanka Puntland ay hawlgalo balaaran ka wadaan Buuraha gobolada Sanaag iyo Bari ee ay ku dhuumaalaystaan Kooxaha Daacish iyo Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in Weerarka Maraykanka uu ka badbaaday hogaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin.

Si kastaba ha ahate, Kooxda Daacish iyo Shabaab ayaa hadda wajahaya Weeraro ay qorshaynayaan dawlada Soomaaliya iyo Maamul goboleedada.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: