Shirka Golaha Xukuumadda Soomaaliya Oo Looga Dooday Doorashadda Soomaaliland

Shirka Golaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Doorashooyinka Soomaaliland, iyadoo Warbixino ku saabsan sida ay u dhaceen laga dhagaystay Mas’uuliyiin dawlada ka tirsan.

Xukuumadda, ayaa Soomaaliland uga hambalyaysay hannaanka ay u qabteen Doorashooyinka oo si Dimuqraadiyad ah u dhacay.

Waxay Xisbiyada Soomaaliland ugu baaqeen inay aqbalaan natiijada kaso baxda Doorashadda, isla markaana Musharixiinta laga guulaystay, ay u hambalyeeyaan Musharaxa guulaystay.

”Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaarnaa ee doorashadii shalay ka horeysey. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood. Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kaso baxay Golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Natiijada Doorashadda Soomaaliland ayaa lagu dhawaaqayaa maalmaha so socda, waxaana socda tirinta Codadka la dhiibtay.

Waxaan la saadalin karin Musharax guulaysanaya, xilli Doorashadda ay saamayn ku leedahay arrimaha Qabiilka, deegaanka iyo dhaqaaluhu.

Si kastaba ha ahate, Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ayaa amaan iyo boggaadin u jeediyay Doorashadda Soomaaliland.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: