UPDATE: Daawo Sawiradii Ugu Dambeeyay Ee Dekeda Boosaaso Iyo Munaasabada Oo Toos U Socota

Filed under: Somalia,Wararka Maanta,Xulka Puntland |

Dekeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka socda Munaasabada ay shirkadda DP WORLD ay kula wareegayso Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ah Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, Waxgarad iyo marti sharaf kale.

Maanta laga bilaabo waxaa si toos ah ula wareeegay maamulka Dekeda Boosaaso shirkadda DP WORLD, taas oo maamuli doonta muddo Soddon Sano ah.

Amaanka Dekeda magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, waxaana amaanka sugaya ciidamo ka tirsan Puntland.

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *