Sawiro: Dekeda Muqdisho Oo Lagu Qabtay Raashin Dhacay

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa qabtay Raashin aad u badan oo ku jira gudaha Dekeda magaalada Muqdisho, kaasi oo aan wali bannaanka loso saarin.

Waxaa ciidanku ay Raashinka ka qabteen gudaha Deekda, ka dib markii ay baaritaan sameeyen, waxaana ay amreen innaan Dekeda laga saari karin.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil Ciidan, ayaa caawo booqaday goobta uu raashinku yaalo, isla markaana indhahooda kuso arkay.

Raashinka ayaa la doonayay in laso galiyo gudaha magaalada Muqdisho, isla markaana shacabka Soomaaliyeed Raashin caadi ahaan looga iibiyo.

Talaadana ay ku qabteen raashinka Ciidanka NISA, ayaa ah mid aad loo amaanay, waxaana ay guteen waajibaad aad u wannaagsan.

Ma jiro illaa iyo hadda macluumaad faahfaahsan oo Raashinkan ay dawladu ka bixisay cida iska leh iyo halka loo wado.

Si kastaba ha ahate, Ciidamada NISA ayaa ka mid ah Ciidamada ugu tayada badan ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirada:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: