Sawiro Sheekh Umal Oo Dhaqaale Badan Geeyay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay  Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadateen gurmadkii dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa  Culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo inay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto argagixisada, maadaama kooxdaasi ay ka been sheegeyso diinta Islaamka.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa  maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Waxaana ay sidoo kale la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Kheyre, iyaggoo Guddiga gurmad qaran  ku warreejiyey  $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda,

Dhaqaalahan ayaa la gaarsiinayaa dadkii ku waxyeeloobay qarixii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Isgoyska ZOOBE ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahate, Gurmadkan dhaqaale ayaa ka mid ahaa Gurmad balaaran oo ay Ummadda Soomaaliyeed u fidiyeen walaalohooda Muqdisho.

Hoos Ka Daalaco Sawirada:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: