Bandhigga Sawirada: Waa Sidee Muuqaalka Dekeda Ay La Wareegtay Shirkadda DP WORLD?

Dekeda magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inay hesho daryeel iyo dayactir u horseeda inay noqoto Deked wayn oo ay kuso xirtaan Maraakiin waawayn.

Mudadii 26-ka sano ahayd ee Dekedu ay jirtay waxaa wax kala soo dagayay Ummadda Soomaaliyeed, hasa yeeshe dhibaatada Dekeda haysatay ayaa ahayd inaysan kuso xiran jirin Maraakiibta waawayn ee qaada Konteenarada, kuwaas oo rarkooda ku dejin jiray Dekedaha Muqdisho iyo Berbera.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Maalgalin Caalami ah oo la helo ay u baahan tahay Deked iyo garoon Caalami ah, halka Wasiirka Dekedaha Puntland uu sheegay in Dekeda Boosaaso ay ciid qarisay oo ay ku dhowaatay inay is xirto.

26-sano ka dib oo Dekeda Boosaaso ay shaqaynaysay, ayaa waxay heshay Maalgashi lagu balaarinayo, waxaana ku baxaya lacag dhan 336 Milyan oo Doolar.

Fursadaha ay Dekeda Boosaaso ka faa’iidaysan doonto ayaa ah iyada oo ku taala Meel Istaraatiiji ah, una dhow wadamada ku yaala Qaaradda Aasiya oo ay xirirka ganacsi  leeyihiin Soomaalida.

Ugu dambayntii Puntland ayaa maanta si rasmi nah shirkadda DP WORLD ugu wareejisay Dekeda magaalada Boosaaso oo ay maamuli doonaan 30-sano.

Halkaan ka daawo sawiradii ugu dambeeyay ee Dekeda la balaarinayo;

www.puntland24.net

 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: