Nin Weelasha Dhiqi Jiray Oo Isu Badalay Milyaneer

Tashita Tufaa oo u dhashay wadanka Itoobiya, gaar ahaan Qoomiyada Oromada ayaa isbadal wayn ku sameeyay noloshiisa, ka dib markii waqtiga iyo waayuhu ay saacideen.

Ninkaan oo ku dhashay gobolka Oromad, walaalihiisana kala shaqayn jiray beer, ayaa aad ugu hamin jiray inuu tago wadanka Maraykanka, hasa yeeshe ugu dambayn wuxuu ku guulaystay himiladiisi, waxaana uu tagay dalka Maraykanka.

Wuxuu leeyahay shirkad ay u shaqeeyaan 300 oo bas, waxaana uu Iskuulada u qaada illaa 15,000 oo carruur ah, maanta waa Milyaneer haysta dhaqaale aad u badan, wiilkii shalay qaxootiga ahaa.

”Ha Caajisin, fursadaha kuso mara ha sahlanin, si adag u shaqee, mucjisa ha sugin wax bilaash ah ma jirto” Sidaa waxaa yiri Tufaa.

Warbixin ay VOA ka diyaarisay halkaan ka dhagayso;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: