Bandhigga Sawirada: Qardho Oo Si La Yaab Leh Looga Xusay Maalinta Calanka Soomaaliya

Maamulka gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho iyo Arday ayaa si wada jir ah u xusay maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Bandhiga Munaasabada lagu xusay maalinta calanka ayaa ahaa mid soo jidasho leh, waxaana soo qabanqaabiyay Munaasabada Ardayda Iskuul lagu magacaabo Imaamu Nawawi oo ka mid ah xarumaha Waxbarasho ee Qardho ku yaala.

Intii Munaasabada lagu guda jiray, waxaa Ardayda dib loo xusuusiyay taariikhdooda, waxaana laga shekeeyay dhibaatadadii adkayd ee laga soo maray Xoriyada maanta uu dalku haysto.

Munaasabadan ayaa kuso aaday xilli Munaasabad tan dhigeeda ah lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wariye Yaxye Nuur Muumin ayaa Sawiradan qaaday;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: