Arsene Wenger Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka Carlo Ancelotti La Xiriirinaya Arsenal

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ugu dambayn ka hadlay wararka maalmihii ugu dambeeyay saxaafada haystay ee ahaa in uu booskiisa tababaranimo ee Arsenal u waayi karo tababaraha Carlo Acelotti.

Ancelotti ayaa shaqada Bayern Munich laga cayriyay kadib natiijooyin xun oo ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan sidoo kale khilaa weyn la galay xiddigaha kooxda ugu waayen ee Robben iyo Muller.

Tababaraha reer Italy ayaa sheegay in aanu doonayn in uu tababare u noqdo xulka qaranka Italy wakhti xaadirkan ilaa haatan lama oga meesha uu ku dambayn doono.

 Laakiin saxaafada ayaa la xiriirinaysa ku laabashada kooxdiisii hore ee Ac Milan halka ay warar kale sheegaaan in maamulka Arsenal ka fikirayaan in ay ku badalaan tababarohooda haatan.

Wenger oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Run ahaantii ma garanayo tababaraha shaqada iga badli doona, waxa aan wali kooxda kula jiraa heshiis, kamana fikirayo in aan ka tago”.

“Waxa tababaraha ku waajib ah in uu ka fikiro in uu kooxda sii joogi doono abid,taas ayaana ka caawin karta in uu u dadaalo kooxda”.

“Doorashada tababaraha aniga iga dambayn doona maaha shaqadayda kamana fikirayo in aan anigu doorto tababaraha iga dambayn doona waayo maamulka sare ayaa ku shaqa leh arintaas”

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: