UPDATE: Muxuu Uga Hadlay Madaxweyne Gaas Shirka Jaraa’id Ee Boosaaso Uu Ku Qabtay?

Filed under: Somalia,Wararka Maanta,Xulka Puntland |

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana uu ka ka hadlay shirkii Maamul goboleedada ee Kismaayo iyo wareejinta Dekeda magaalada Boosaaso.

” Ka dib shirkii Madasha dawlad goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo oo dhowr bari aan ku maqnayn, shirkaas wuxuu ahaa shir wannaagsan oo Soomaali u qabsoomay Soomaali, shir ujeedadiisu ay ahayd midaynta iyo isu duwida maamul goboleedyada si ay aragti midaysan uga yeeshaan xaqiiqada ka Soomaaliya, xasilinta Soomaaliya, raadinta dawladnimada Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin ay ka qaataan, wixii dano ee dhexdooda ah ay iska kaashadaan” Ayuu yiri Gaas.

Wuxuu intaas ku daray”Shirka waxaa kaso baxay Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin dawlad goboleedyadu ay si joogto ah xawaashooda uga wada hadli doonaan, iyagoo si dhowna ula shaqayn doona dawada Federaalka Soomaaliyeed, kana shaqayn doona sidii dalkan cadowga looga xorayn lahaa, sidii dalkan meesha uu istaahilo loo gayn lahaa, aragtidu waa taas wax kale oo shido ah oo Madashu ay waday ma jirto”.

Madaxweynaha Puntland ayaa shirkooda ku tilmaamay mid Maslaxad saldhig u ahaa, wuxuuna yiri inta an fahmin waa fahmayaan waa siduu hadalka u dhigaye,

Mar uu ka hadlayay dib ugu soo laabashadiisa Boosaaso iyo balaarinta Dekeda ayaa wuxuu yiri…”Mar 2-aad baan ku farxsanahay innaan dalka oo Nabad ah oo xasiloon aan kuso noqdo, guulaha uu guddoomiyaha gobolku ka hadlay oo ay ugu horayso habaynta iyo wareejinta Dekeda Boosaaso si Dekedu ay u noqoto Deked istaahisha Puntland iyo Soomaaliya oo idil”.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *