DHAGAYSO XASAASI: Camay Oo Ka Hadlay Suurta Galnimada In lug Iyo Gacan Laga Jaro Qofkii Musuqmaasuq Sameeya

Madaxweyne ku xigeenka Puntand, ayaa sheegay in mararka qaarkiis haboon tahay in laga fikiro in lug iyo gacan laga gooyo dadka lagu helo xatooyada ama Musuq maasuqa hantida dadweynaha.

Camey ayaa sheegay inay macquul u egtahay in sharcigaas lagu fuliya dadka Musuq maasuqa sameeya iyo tuugada, wuxuuna sheegay inuu yahay hab kaliya ee lagu joojin karo wax isdaba marinta.

Hasa yeeshee Camay ayaa sheegay xilligaan Soomaaliya ama Puntland inaanay sharcigaan wajahi karin daruufahooda awgeed maadaama aan lahayn masuuliyad lagu kafaalo qaadi karo dadka xukunkaan islaamiga ah lagu fuliyo.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Camey wuxuu ka sheegay shirk u saabsan maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay inay si joogto ah u bixiyaan Mushaharka Ciidanka, isagoo aan meesha ka saarin inay bilaha qaar oo aysan Ciidanku Mushahar qaadan.

Hoos Ka Dhagayso Khudbada Camay;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: