DEG DEG+DHAGAYSO: Hawlgalo Lagu Beegsanayo Argagixiso Oo Ka Bilaabanaya Magaalada Boosaaso

Ciidamada amniga Puntland, ayaa hawlgalo balaaran ka bilabaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuwaas oo lagu doonayo in lagu sugo amaanka Boosaaso.

Waxaa Ciidamadu ay galayaan Guryaha magaalada, waxaana dawladu ay sheegtay in ujeedada hawlgalka ay tahay inay soo qabato Kooxo Argagixiso ah oo ku dhuumanaya gudaha magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacayd Dhedo, ayaa sheegay inaysan u dulqaadaynayn culasyka amni ee Boosaaso, ayna sugayan amniga magaalada.

”Qof Bini’aadam ah inta amni loogu dulqaadan karo ayaan ugu dulqaadanay, amni kale oo aan sidaa u hagranay oo aan u sii daynay runtii ma qaadi karno, magaaladuna ma qaadi karto” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Bari.

Yuusuf Maxamed Wacays, ayaa sheegay inay beegsanayaan Argagixiso, waxaana uu xusay in natiijo wannaagsan ay kaso bixi doonto hawlgalka.

”Caawo laga bilaabo magaalada hawlgal amni baa jira, cid aan dan ka leenahay ma jirto, dadka halkaan jooga iyo dadkii wax naga dhexeeyen, dadkii hebel iyo hebel loo garanayay ma doonayno, cid gaar ah ma doonayno, Argagixiso ayaan doonaynaa, Guri walba waan galaynaa, meel walba waan galaynaa, ILLAAH idankii dhib ma wadno, waxaan rabnaa innaan amniga sugno” Ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Hadalka Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa kuso aadaya xilli maalintii shalay ay heshiis wada gaareen Ganacsatada iyo dawlada.

Hoos Ka Dhagayso Codka Guddoomiyaha Gobolka Bari;

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: