Dhagayso Madaxweyne Farmaajo:” Ehlu Sunna Waa Kooxdii Bartay Shabaab Dhimashada”

Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Ehlu Sunna Waljamaaca ay ahaayen Kooxdii dhimashada bartay Shabaab, ka dib markii ay la galeen dagaalo culus.

Farmaajo ayaa sheegay in Ehlu Sunna ay ku dagaalamayeen Caqiido, ayna taasi horseeday in Shabaab ay u dhowaan waayaan gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu uga mahadceliyay Ehlu Sunna sida go’aanka ay qaateen ee ay kula heshiiyeen Galmudug, isla markaana ay kula Midoobeen.

”Ehlu Sunna Waljameeca runtii waxay ahayd in mar walba loo mahadceliyo, heshiiska ay qaateen kaliya ma aha, runtii waxay gaarsiiyeen Qolayaha Nabad diidka ah ee nala dagaalamaya inay dareensiiyeen inay dhiman karaan, malaintaas baqdinta ku bilaabatay illaa maanta waa socotaa, maxaa yeelay waxay kula dagaalamayeen Caqiido, illaa hadana gobolada dhexe waa u dhowaan la’ yihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray”…..Mar walba waa innaan xasuusnaano dagaalkii ay la galeen Nabad diidka oo ay uga adkaadeen, waa ku mahadsanan tihiin, hadana waa ku mahadsan tihiin heshiiska aad qaadateen”.

Madxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambayn sheegay inay kor kala soconayaan hirgalinta heshiiska Galmudug iyo Ehlu Sunna.

Hoos Ka Dhagayso Codka Madaxweynaha;

www.puntland24.net

 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: