XOG XASAASI AH: Mooshinka Ka Dhan Ah Farmaajo Oo Lugaha La Galay Xildhibaanada Daarood

Toddobadyadii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday qorshe si hoose u socday oo la doonayo in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo lagu hor geeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinka oo intiisa badan ay wadeen Xildhibaanada Labad Aqal ee Dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa lahaa aragtiyo kala duwan, iyadoo qaarkood ay doonayaan in meesha looga saaro Raysal Wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre iyadoo wado laga sii dhiganayo Madaxweyne Farmaajo kadib markii mooshin lagu ruxo siyaasadiisa lala beegsado shaqsi ahaan.

Aragtida Labaad ayaa sheegeysa in Xildhibaanada u badan beelaha Daaroodka ee Labada Aqal ee Golayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay iyagu doonayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro Madaxwynaha iyo Raysal Wasaarihiisa.

Toddobaadkii hore ayaa warar xogogaal ah oo uu helay Puntland24 ay xaqiijiyeen in uu dhacay kulan qarsoodi ah oo tiro badan oo Xildhibaanada Labada Aqal ee beelaha Daaroodka ay ku qorsheeyeen in ay dardar geliyaan mooshinka iyadoo looga faa’iideysanayo kacdoonka beelaha Habar Gidir iyo Abgaal ee ku foorara sidii karkaarka loog weydaarin lahaa  Raysal Wasaare Kheyre.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanada Gobolada Gedo iyo Caabudwaaq oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Aqalka Sare ee  Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ay diyaariyeen shirar ay ka soo qayb geli lahaayeen Xildhibaanada beelaha Daaroodka kaasoo ay ku doonayeen in Madaxweynaha lagaga badbaadiyo mooshinka aan weli taabagalka noqon, haseyeeshee, waxaa shirkaas kala daadiyey Xildhibaano ka soo jeeda gobolada Puntland iyo Jubbaland oo gebi ahaanba gooyey ka qaybgalka shirkaas; kuwaasoo sida xogaha Puntland ku helay sheegayaan in ay aaminsanyihiin in Mudane Farmaajo iyo Khayre dalka hagiddiisa ku fashilmeen.

Waxaa la filiayaa inta uusan xirmin Kalfadhiga Golaha shacabka in Xildhibaannada wada mooshinka ay horgeeyaan Guddoonka Golaha Shacabka. Lama saadaalin karo  siyaasadda cakiran ee soo food saartay dawladda aan sanad jirsan.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: