Daawo Cali Khaliif Galayr Oo Amaan Iyo Duco Kula Dul Dhacay Siilaanyo, Muuse Biixina Ka Rajaynaya Mansabyo Waawayn

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland Mudane Saleebaan Maxamed Aadan oo ka hadlay heshiiskii dhowaan Maamulka Soomaaliland la galay Khaatumo ayaa sheegay in uu xalaal noqonayo marka la horgeeyo Golayaasha sharci dejinta haddii ay ansixiyaan.

Cali Khaliif Galeydh oo arrintaas uga waramaya TV-ga Erial ayaa sheegay in ay tahay arrin sax ah, heshiiska uu Soomaaliland la galay uusan aheyn mid lala dhuudhuumanayey ama qarsoodi ah.

Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyd ayaa sidoo kale sheegay in Dastuurka Khaatumo uu qorayo in si walba oo khaatumo ay nabadgelyo ku heli karto wadadeeda la maro, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Maxamed Axmed Siilaanyo uu noqday cidda keliya ee ogolaatay, wuxuuna isugu daray amaan iyo duco.

Heshiiska Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa la horgeyn doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliland, ka dib markii Guddoonka Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliland ay ku tilmaameen heshiiska wada hadal, marka ay Ansixiyaan oo kaliya uu noqon karo Sharci.

Galayr ayaa rajo badan ka qaba inuu saami wannaagsan ka helo Xukuumadda uu soo dhisayo Muuse Biixi Cabdi, taasi oo lagu dhawaaqi doono todobaadka soo socda.

Hadaba halkaan Hoose Ka Daawo Waraysiga Uu Erial Siiyay;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: