DEG DEG: Hooyadda Fanka Soomaaliyeed Oo Ku Dhimatay Magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland Wararka aan ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku geeriyootay Allaha u naxariistee fanaanada Soomaaliyeed ee Shamis Abuukar Ismaaciil oo loo yaqaanay Gaduudo Carwo.

Fanaanada ayaa aheyd fanaankii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee Af-Soomaali ku heesa,waxa ayna ka tirsaneyd hobolada Waaberi.

Fanaanada ayaa mudo 25 Sano ah ku xanuunsaneysay Magaalada Hargeysa sida ay sheegeen fanaaniin iyo Abwaaniin ku nool Hargeysa.

Fannaanadan ayaa ahayd Fanaanadii ugu horeysay ee Af-Soomaali ku heesta, waxaana loo yaqaan Hooyadda Fanka Soomaaliyeed, waana Fannaanad door ku lahayd Fanka mudadii ay ku dhexjirtay.

Maanta ayaa lagu Aaday magaaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland, waxaana EEBE looga baryay Naxariis iyo Janno.

ALLA HA U NAXARIISTO HOOYADA FANKA SOOMAALIYEED.

Sawirkeeda Hoos Ka Fiiri;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: