XOG-WARRAN: Yaa Yiri Maamulaha Dekeda Paul Formosa Ayaa Ka Horyimi Go’aankii Isimada?

Waxaa soo baxay saacadihii ugu dambeeyay Warar sheegaya in Shirkadda P&O PORTS ay kaso horjeesatay go’aankii ay soo saareen Isimada Puntland ee lagu heshiiyaysiiyay Ganacsatada iyo dawlada.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa Warkan u gudbiyay Warbaahinta, kuwaas oo sheegay in Maamulaha Dekeda Paul Formosa uu saluugay heshiiska, isla markaana uu ka horyimi.

Puntland24 oo la hadlay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland, ayaa sheegay in Wararkaasi ay yihiin Warar aan sal iyo raad lahayn, isla markaana lagu Carqaladaynayo heshiiska.

Waxay sheegen in Isimadu ay yihiin Marjaca loo noqonayo go’aanka ay soo saareena aysan jirin cid kaso horjeensan karta, lana dhaqan galinayo heshiiska la gaaray.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Isimadu ay heshiis dhex dhigeen Dawlada iyo Ganacsatada, waxaana heshiiska uu soo afjaray Murabkii mudada ka taagnaa Dekeda Boosaaso.

Isimada ayaa Guddi daba gala hawshan u saaray, isla markaana daba socda illaa laga hirgalinayo dhamaan qodobadii lagu heshiiyay.

Si kastaba ha ahate, Ganacastada ayaa lagu wadaa inay Doonyaha iyo Maraakiibta u raran ay kala soo dagaan Dekeda magaalada Boosaaso, waxaana lagu dhaqayaa go’aanka Isimadu ay soo gaareen.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: