Daawo Sawirada Dooni U Raran Ganacsatada Boosaaso Oo Ku Dagi Rabta Xeebaha Dalka Cumaan

Dooni u raran Ganacsatada magaalada Boosaaso, ayaa ku dagi rabta Xeebaha dalka Cumaan, ka dib markii ay dabeyl ku dhufatay Doonta.

Puntland24, ayaa ogaaday in Doonyan oo lagu magacaabo Cimraan, ay ku dhow dahay inay dagto, ka dib markii ay dhinac u liicday, waxaana lagu dadaalayaa sidii loo badbaadin lahaa.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Cumaan, ayaa wada dadaalo, waxay ku xireen Xargo, waxaana ay u jiidayaan dhinaca Bariga si ay u badbaadiyaan Doonta iyo Alaabta Saaran.

Doonta ayaa horay uga soo shiraacatay wadanka Imaaraatka Carabta, waxaana ay kusi jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Lama yaqaan sida xaalada Doontu ay ku dambayn doonto, hasa yeeshe 48-saac ah ayay xaaladan ku sugan tahay Doontu oo ay u muuqanaysa mid aan dagin, isla markaana aan caadi ahayn.

Ganacsade la hadlay Puntland24, ayaa sheegay inuu rajaynayo in ku guulaystaan badbaadinta Doonta, waxaana jira Ganacsatado arrinta Doonta darteed uga yimi wadanka Imaaraatka Carabta.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: