Qudus Waa Caasimada Israa’iil, Haa Waa Caasimada Yuhuuda!

1. Goormay noqotay Qudus caasimada Yuhuuda?

Qudus waxay noqotay caasimada yuhuuda 2dii November 1917 markii uu xoghayihii arimaha dibada boqortooyadii ingiriiska Arthur Balfour uu saxiixay qaraarkii la magac baxay Balfour Declaration kuna socotay hogaamiyihii bulshada yuhuuda ee ku daqan Ingiriiska qeexayayna in yuhuuda uu dhulka Falastiin u noqdo qaran ay ku naaloodaan Yuhuuda riyadiina waxay dhabowday 14kii May 1948 markii Falastiin looga dul dhawaaqay qaran yuhuuda ay leedahay isla maalinkaasna waxaa saxiixay madaxweynihii Maraykanka Harry Truman. Intaas waxii ka danbeeyay Israel waa isbalaarinaysay, tabcaysay hub, tacliin iyo teknoolajiyad halka dhigeediina ay dhawranayeen ilaa ay masjidul Aqsaa ka dhigteen madaxtooyadii yuhuuda.

2. Sideebay Qudus ku noqotay caasimada Yuhuuda?

Qudus waxay noqotay caasimada Israel, iskamana noqon ee waa laga dhigay! Qudus waxaa dhayacay dunida Islaamka gaar ahaan reerka carbeed.

3. Isbalaarinta Yuhuuda Qudus maku joogsanaysaa?

Maya, maya waa soconayaa isbalaarinta yuhuuda ilaa ay laqdo wadamo hada loo yaqaan wadamo carbeed oo Islam ah. Urdun, Siiriya iyo Lubnaan ayaa qarni wax ka yar kadib la waayi doonaa ogowna sadexdaas wadan waxaa muran kala dhexeeyaa dhanka xadka ah Israel oo qeybo baaba laga haystaa. Dalka Masar-na kama marna dalalka dabinada Yuhuuda ku dhici doona walow ay hada jaal dhaw yihiin. Israel waxa u dajisan khariiradii lagu burburin lahaa awoodkasta oo Islam ah taas oo diidi kadha hamiga Israel khaasatan Muslim ka aan Carabta ahayn sida Turkiga, Pakistan, Islamka Asia iyo Afrikada Madow. Dalalka dabinka uu u yaal ayaa waxaa ka mid ah ilmo maryo badane oo uu hogaaminayo Sacuudiga kuwaas oo mardhaw afka ciida loo dari doono. Israel way isku balaarinaysaa bariga dhexe siyaasad ahaan ama awood ahaan.

4. Maxaa la gudboon dunida Islaam-ka?

Dunida Islaam-ka wakhtigan la joogo uma diyaarsana wajihida shaxaha siyaasadaha reer galbeedka mana jirto siyaasad ka dhan ah (Counter Policy) taas oo lagu dheehay hufnaan, hoogamin wanaagsan iyo midnimo; lagu jaangooyay aqoon iyo tiknoolajiyad; laguna difaacay cudud dhamaystiran.

W/Q Mohamed Eman.

Faafin Puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: