Bandhigga Sawirada: Daawo Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedada Oo La Daahfuray

Munaasabad lagu Daahfuray tartanka Maamul goboleedada, ayaa ka dhacday garoonka Kubada Cagta ee Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Daahfurka tartanka, ayaa waxaa ka qayb galay Ciyaaryahanada maamul goboleedada, Madaxda ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo dadweyne aad u badan.

Waxaa lagu furay Heeso ay qaadayeen Fannaaniin, waxaana wada ciyaaray ciyaaryahano 11 jiro ah oo Ubaxa Caasimada la yiraahdo.

Munaasabadan ayaa ah furitaanka tartanka oo maalinta bari si rasmi ah u bilaaban doona, waxaana lagu furayaa Benaadir iyo Jubbaland.

Benaadir waa Kooxda Koobka marti gelinaysa, halka Jubbaland ay tahay Kooxdii sanadkii tagay kaalinta 2-aad ka gashay Koobka, waana Koox aad u adag.

Madaxda maamul goboleedada, ayaa Kooxohooda ku dhiirigeliyay inay Koobka keenaan, una balan qaaday abaalmarino, waxaana tan ay ka dhigan tahay in tartanku uu sanadkan aad u adag yahay.

Kooxaha tartamaya ayaa loo kala saaray laba Guruub oo kala ah A iyo B, waana Li Kooxood oo afar ay kaso bixi doonto.

Guruubka A, ayaa waxaa ku wada jira Benaadir, Galmudug iyo Jubbaland, halka Guruubka B ay ku wada jiraan Puntland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aad u xiisaynaya tartanka CIyaaraha Maamul goboleedada iyo gobolka Banaadir ee sanadkii 2-aad ay Muqdisho marti gelinayso.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: