Sawiro: Maxaa Ka Cusub Degmada Baran Ee Gobolka Sanaag?

Maamulka gobolka Sanaag iyo maamulka degmada Baran, ayaa sameeyay hawlgal balaaran oo ay ku banneeyen dhul la qabsaday, kaasi oo danta guud loo banneeyay.

Dhulka ayaa waxaa qabsaday dad shacab ah, waxaana lagu shubay Dhagax badan, hasa yeeshe Waxgaradka, maamulka gobolka Sanaag iyo maamulka degmada Baran ayaa iska kaashaday bannayntiisa.

Waxaa la arkayay Mas’uuliyiinta iyo dadweynaha ii guraya dhagaxa, isla markaana bannaynaya dhulka la qabsaday, arrintaas oo dadweynuhu ay soo dhoweeyen.

Waxaa jira dhul ay dad qabsadeen oo ku yaala Sanaag, waxaad akaysaa meelaha qaar dhul dhan 10KM oo hal qof u sheeganayo, arrintaas oo maamulka gobolka ay dalbadeen dadweynuhu in wax laga qabto.

Degmada Baran ee gobolka Sanaag, ayaa ka mid ah degmooyinka Puntland ee soo koraya, waxaana Baran ay ka faa’iidaysan doontaa dhismaha Wadada isku xiraya Sanaag iyo gobolda kale ee iminka dhismihiisu uu socdo.

Si kastaba ha ahate, maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Baran, ayaa si habsami leh u wada hawlohooda shaqo.

Hoos Ka Daalaco Sawirada;

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: