Sawiro: Ciidanka PSF Maxay Ka Sameeyen Buuralayda Galgala Ee Gobolka Bari?

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF, ayaa xalay hawlgal balaaran ka sameeyay Buuralayda Galgala ee gobolka Bari, kaasi oo qayb ka ah hawlgalada ay sameeyaan.

PSF, ayaa sheegtay in hawlgalka ay ku baacsanayeen Kooxda Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Waxay sheegen inay hawlgalka kuso qabteen saddex qof oo lahgu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Shabaab, kuwaas baaritan lagu wado.

”Ciidanka Amniga Puntland waxaa ka go’an in ay Puntland nabad ka dhigaan kana ciribtiraan kooxaha cadowga ah ee ku soo duulay” Ayaa lagu yiri qoraal kaso baxay PSF.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Ciidanka PSF, ay laba jibaareen hawlgalkooda, waxaana ay sameeyen hawlgalo Lixaad leh oo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish.

Si kastaba ha ahate, hawlgalada ay samaynayaan Ciidanka PSF, ayaa kuso aadaya xilli qaybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah Shabaab.

Hoos Ka Daalaco Sawirada;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: