DHAGAYSO: Dagaalyahano Ka Tirsan Kooxda Shabaab Oo Isu Dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo Hub iyo Gaadiid wata, ayaa isu dhiibay Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Kooxda isa soo dhiibay ayaa gaaraya 20 dagaalyahan oo hubaysan, waxaana dawladu ay u samahyn doonta dhaqan celin, waxaana laga dhigay Hubkii iyo Gaadiidkii ay wateen.

Wasiirka ammaanka ee Koonfur Galbeed, Xassan Xuseen, ayaa sheegay in dagaalyahanadan ay horseed u noqon doonaan Xubno kale oo ka tirsan Shabaab oo isa soo dhiibi doona.

Wuxuu intaas ku daray inay jiraan Kooxo kale oo la so xiriiay dawlada, kuwaas oo go’aansaday inay isu soo dhibaan dawlada Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

‘Wuxuu sheegay inay dagaalka aysan maalina ka bixin, isla markaana ay la socdaan Kooxaha Shabaab dhaqdhaqaaqooda.

Dagaalyahanada isa soo dhiibay ayaa kuso aadaya xilli dawlada Soomaaliya ay qorshaynayso dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab.

Hoos Ka Dhagayso Waraysiga Wasiirka;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: