Aniiso Xaaji Muumin:” Reer Bari Diyaar Uma Aha Madaxnimada Puntland, Maxamuud Saleebaan Cid Uga Roon Ma Jirto”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Aniiso Xaaji Muumin, ayaa sheegtay in Siyaasiyiinta reer Bari aysan diyaar u ahayn inay hogaamiyaan Puntland, hasa yeeshe waxay sheegtay in xilligan aysan jirin cid uga roon Maxamuud Saleebaan hogaaminta Puntland.

War qoraal ah oo ay soo dhigtay Barteeda Facebook, ayay uga hadashay arrintan, waxaana qoraalkeeda uu u qornaa sidan:

Maxay Shacabka Puntland Rabaan?

Ummad walba sida shacabkeeda rabo ayaa horumarkooda ku xiran yahay.
Hadaba waxaa aad loogu hanweyn yahay in la helo “Madaxwayne Reer Bari”.
Shacabka ayaa horumarka dhabta u baahan. Ummada Reer Puntland ma waxaa u muhiim ah (mid dooro) in la helo:

1) Ruux daacada, cadaali ah, u heelan xaqa, kuna dayan kara tusaalahii saxaabada ciduu doono ha noqdee oo aayaha Puntland ku hogaamiya wanaag iyo is jacayl

2) Ruux Maxamuud Saleebaan ah waayo iyaga wax ka roon lama hayo

3) Ruux Reer Bari ah (Maxamuud Saleeban Bari kasoo gala maaha) waayo waa in Bari la siiyo talada si uusan kursiga dhaxaltooyo u noqon

4) Ruux aamusiiya asxaabul musuq, qabiilkiisa u adeega, magaaladiisana dhisa dadkiisana shaqada ka buuxiya oo hub iyo ciidan u yeela reerka

5) Meeshii loo badan yahay

 

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: