DEG DEG: Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Xaafuun Oo U Geeriyooday Rasaas Uu Furay Taliyaha Degmada

Guddoomiye ku xigeenka degmada Xaafuun Maxamed Muuse Bahaleey, ayaa xalay saq dhexe ku dhintay Cibistaalka wayn ee magaalada Boosaaso.

Marxuumka ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray, ka dib markii rasaas uu furay taliyaha Saldhigga Xaafuun ay haleeshay, waxaana rasaasta kaso gaaray dhaawac culus oo keenay markii dambe inuu u dhinto.

Rasaasta uu Sarkaalku furay ayaa wuxuu ku tuuray haweenay ay ismaandhaafeen oo Dhagax tuuris taliyaha ku bilowday, waxaana rasaasta uu furay ay Madaxda ka haleeshay Guddoomiye ku xigeenka.

Ma jirto illaa iyo hadda wax War ah oo kaso baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo ku aadan falkaan dhacay.

Marxuumka ayaa waxaa maanta lagu aasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: