Dawlada Soomaaliya Oo Warsaxaafadeedkii Ugu Jilicsanaa Kaso Saartay Arrinta Qudus

Dawlada Federaalka Soomaaliya, ayaa Warsaxaafadeed aad u jilcsan kaso saartay go’aanka uu Madaxweynaha Maraykanku ugu aqoonsaday Qudus Caasimada Israa’iil.

Warsaxaafadeedka ayaa laga dheehan karaa in Soomaaliya ay noqotay dawlada ugu hadal jilicsan marka loo eego dawladihii kale ee arrintan ka hadlay.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka;

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: