DHAGAYSO: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Sidee U Arkaa Natiijada Shirkii Muqdisho?

Madaxweyne ku xigeeka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa beeniyay Warar ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta oo sheegayay inuu la kulmay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin, isla markaana ay dawalda Soomaaliya dhaqaale siisay.

”Waxyaabo badan ayay Warbaahintu sheegaysay, waxaan cadaynayaa cid aan kula kulmay meesha la yiraahdo garoonka Xamar sii socod iyo soo socod midna inayan jirin, lacag la isiiyay oo dawlada aan uga baahnahay inaysan jirin, laakiin ragga (Payrolka)-ka dawlada ku jira ee burushka xaaraanta ah wata waxaan leeyahay War Ummadda u tura idinkuna isu tura, iyadoo aan idiin cadaynayo innaan cidna fasax uga qaadanayn innaan arko hadana cidna ma arag” Ayuu yiri Camay.

Wuxuu intaas ku daray…..”Fahad Yaasiin ayaa la yiri iyo Wasiiro kale ayuu la kulmay, Fahad Yaasiin magiciisaan aqaana laakiin nin aan isnaqaan ama aan wada xiriirno oo runtii kulanay ma aha, qolada sheegaysa ayaa iga badisa, waxyaabaha beenta ah ee Ummadda lagu kicinayo waxaan jeclaan lahaa in la joojiyo”.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay shirkii Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay inuu cadeeyay mawqifkiisa shirka, isla markaana natiijada kaso baxday ay tahay mid u taala Ummadda Soomaaliyeed.

Hadalkiisa ayaa u dhacayay inuusan ku faraxsanayn Natiijada kaso baxday shirka Kismaayo, isla markaana sidii horay uu u balan qaaday waxa kaso baxay uusan soo dhoweyn.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: