Daawo Sawirada Aad U Qurux Badan Oo Laga Soo Qaaday Magaalada Taariikhiga ah Ee Saylac

Seylac waa magaalo Xeebeed taariikhi ah oo ku taala gobolka Awdal, waxaana ay Jabuuti u jirtaa 120-KM, waxa Seylac loo aqoonsan yahay inay jirtay soo bixitaankii Diinteena Islaamka ka hor.

Magaalada Saylac waxaa soo booqday qoraagii caanka ahaa ee Ibn_batuutah 1330-kii, halkaasoo uu ku tilmaamay inay ahayd magaalo weyn xilligaa.

Qarnigii 16-naad waxay magaalada Saylac ahayd caasimaddii maamulkii caanka ahaa ee Adal. Qoraalada laga hayo Saylac way fara badan yihiin, balse aan ku soo koobo, laba socdaal oo ay kusoo kala mareen nin la odhan jiray Johnston iyo ninkale oo la odhan jiray Richard Burton. Richard iyo Johnston labaduba, waxay soo mareen sebenkii uu ka talinayay magaalada Saylac Sheekh Sharmaarke Ali Saalax oo magaalada ka ahaa guddoomiye muddo dheer. Labadaa nin-ba waxay ku tilmaameen magaalada Saylac inay ahayd magaalo weyn oo uu ka socday ganacsi aad u xoogbadani.

Sida ay ku bilaabantey iyo goorta ay aasaasantey magaalada Seylac taariikhyahanadu weli wey isku khilaafsan yihiin. Laakiin waxaa la isla garoowsadey in magaalada Saylac ay jirtey qarnigoo 1-aad, wakhtigaasi oo ay soo siyaarteen bad-mareeno u dhashay Romanka iyo Giriiga. Warbixin laga soo xigtey ragaasi ayaa lagu ogaaday in magaalada Saylac ahayd mid aad u dhisan, maamul iyo kala dambeyn leh, ganacsi aad u balaadhan ka socdo, isla markaana leh mid ka mida xadaaradiihii ugu sareeyay wakhtigaasi. Magaalada Saylac aad ayay u awoodaysatey wakhtiyadii ku xigay, isla markaana ku fidey deegaanada jaarka la ahaa kuwaas oo dagaalo qadhaadh dhex maray.

Magaalada Saylac ayaa ah magaalo aan taariikhdeeda qoraal lagu soo koobi karin, waana magaalo ay ku yaalaan dhul taarikheed aad u qurux badan.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada Saylac;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment